somalia24

Turkiga: Dhexdhexaadinta Wadahadallado iyo Mucaaradka oo Eedeyn u jeediyay
Dowladda Turkiga ayaa muddooyinkii dambe wadday dadaallo ay ku dhex-dhexaadinayso khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda iyo mucaaradka. Dadaalladanse waxaa barbar socda su’aalo la xiriira dhexdhexaadnimada Turkiga

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa mar aan sii horeyn ku eedeeyay dowladda Turkiga in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Soomaaliya siisay loo adeegsaday weerar lagu qaaday Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

“Waan ka xunnahay, Dowladda Turkiga Daroonnada ay u keentay in Al-shabaab lagula dagaallamo in Mucaarad iyo Odiyaal Dhaqameed lagu weerarayo; Turkida waa in ay ogaadaan haddii ay yihiin dad Soomaali u naxaya”. — Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa qaba in Turkigu aanu noqon karin garwadeen dhexdhexaad ah. Eedeyntan ayaa timid kaddib iska horimaadkii hubeysnaa ee 3-dii Juun ku dhex maray ciidamada dowladda iyo mucaaradka magaalada Muqdisho.

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa warsaxaafadeed 6-dii Juun ku sheegay in ciidamada dowladda ay mucaaradka ku weerareen hub kala duwan oo ay Soomaaliya ugu deeqeen dowlad saaxiib ah.

Inkasta oo warsaxaafadeedka aan si rasmi ah loogu magacaabin dowladahaas, haddana siyaasiyiin iyo falanqeeyeyaal badan ayaa u arka in hadalkaasi daba socdo eedeymihii hore ee loo jeediyay Turkiga.

Xilli Turkigu isku dayayo inuu garwadeen ka noqdo wadahadallada u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, eedeymahan ayaa sii adkeynaya su’aasha ku saabsan dhexdhexaadnimada.

Hadaba, wadahadallada uu Turkigu hormuudka ka yahay ma ku guuleysan doonaan inay xal u helaan khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya? Mise waxay ku dambayn doonaan sidii dadaalladii hore ee aan natiijada muuqata dhalin?

Xaafdda Buulo Xuubey oo deggan; kaddib dhaqdhaqaaqyo Ciidan
Jawiga xaafadda Bulo Xubeey ee Degmada Wadajir ayaa saaka u muuqda mid deggan, kadib dhaq-dhaqaaqyo ciidan, iyo cabsi laga qabay isku dhac hubeysan habeenkii xalay.

Ciidamo tiro badan ayaa lagu arkayay agagaarka Hotel Jazeera oo ah hoyga Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada ay shacabka ugu baaqayeen inay ka fogaadaan ama banneeyaan guryaha ku dhow halkaasi.

Askar Ilaalo la xiray

Xogaha la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaya in ilaa lix kamid ah ciidamada ilaalada Xasan Cali Kheyre la xiray isla shalay xilli ay xisaddu kacsanayd. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo dowladda Federaalka kasoo saartay arrintaas ama sababta ciidamada loo geeyay xaafaddaas.

Qaar kamid ah dadka deggen Bulo Xubeey, gaar ahaan agagaarka Hotel Jazeera, ayaa la sheegay inay ka baxeen guryahooda. Dadkaasi ayaa ka cabsi qabay suurtagalnimada isku dhac hubeysan oo ka dhaca deegaanka.

Farriimaha BECO iyo Hormuud

Walaaca shacabka waxaa sii kordhiyay farriimo ay direen shirkadaha BECO iyo Hormuud, kuwaas oo lagu sheegay in korontada iyo adeegyada isgaarsiinta ay hakad geli karaan saacado cayiman oo habeenkii ah sababo la xiriira dayactir iyo arrimo farsamo.

Farriimahaasi ayaa dhalisay hadal-heyn iyo walaac ku saabsan xaaladda. Hase yeeshee, muddo kooban kadib, BECO iyo Hormuud ayaa ka laabtay qorshayaashii ay hore u shaaciyeen, iyadoo adeegyada caadiga ah ay sii socdeen.

Infantino oo Ka Hadlay Kiiska Cumar Cartan: “FIFA Ma Aha Hay’ad Amar Siin Karta Dowladaha”
Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay kiiska garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo loo diiday gelitaanka Mareykanka inkastoo uu kamid ahaa garsoorayaasha loo xushay inay dhexdhexaadiyaan ciyaaraha Koobka Adduunka ee sanadkan

Infantino oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in la is dejiyo, isagoo xusay in qaylada iyo eedeymaha badani aysan gacan ka geysan helitaanka xal.

Wuxuu sidoo kale sheegay in FIFA aysan ahayn hay’ad awood u leh inay amar siiso dowladaha ama hay’adaha amniga, balse ay tahay urur u shaqeeya horumarinta iyo maamulka ciyaaraha kubadda cagta.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya kadib markii mas’uuliyiinta Mareykanka ay sheegeen in diidmada gelitaanka Cumar Cartan ay la xiriirtay baaritaanno amni oo dheeraad ah iyo hubin xogeed. Wararka qaar ayaa xusay in walaacyo dhanka amniga ah la sheegay inay jireen, hase yeeshee ilaa hadda lama soo bandhigin caddeymo rasmi ah oo arrintaas xaqiijinaya.

Cumar Cartan ayaa sanadkii 2025 loo aqoonsaday garsooraha ugu wanaagsan Afrika ee ragga, wuxuuna kamid ahaa garsoorayaasha loo xushay inay ka qeyb qaataan tartanka Koobka Adduunka ee sanadkan ka dhacaya Mareykanka.

Waxaa la filayay inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka garsoora tartan heerka Koobka Adduunka ah, balse waxaa laga celiyay Garoonka Caalamiga ah ee Miami, inkastoo uu watay fiisaha Mareykanka iyo baasaboor diblomaasiyadeed.

Soomaaliya ayaa sidoo kale kamid ah dalalka ay saameeyeen xeerarka adag ee socdaalka ee maamulka Madaxweyne Donald Trump, iyadoo muwaadiniinta qaar kamid ah dalalkaas lagu sameeyo baaritaanno dheeraad ah marka ay gelayaan Mareykanka.

Dood ka Dhalatay Dhexdhexaadinta Turkiga iyo Qaabka loo Wajahayo Wadahallada Mucaaradka & DFS
Dadaallada dhexdhexaadinta ee Turkigu ku doonayo wadahadallo lagu xallinayo xiisadda siyaasadeed ayaa durbaba wajahaya khilaaf cusub. Wararka la helayo ayaa sheegaya in muran uu ka dhashay qaabka loo qeybinayo xubnaha ka qeybgalaya wada-hadallada ay turkidu soo jeedisay

11-xubnood oo la qorsheeyay

Soo jeedinta Turkiga ayaa ah in wadahadallada lagu bilaabo guddi ka kooban 11 xubnood oo matalaya dhinacyada siyaasadda isku haya. Hase yeeshee, dhinacyada ayaa weli isku fahmi la’ sida loo qeybsanayo xubnahaasi iyo cidda si rasmi ah u mataleysa dhinacyada kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in Turkigu soo jeediyay: 3 xubnood oo ka socda Madasha Mustaqbalka, 3 xubnood oo dowladda Federaalka matalaya, iyo 3 xubnood oo ka socda dhinaca Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sidoo kale, waxaa qorshaha lagu daray min hal xubin oo ka kala socda maamullada Puntland iyo Jubaland.

Laakiin qaar kamid ah mucaaradka ayaa dood ka keenay qaabka loo matalaya dhinaca Farmaajo iyagoo ku andacoonaya in Farmaajo uu kamid yahay mucaaradka, islamarkaana aysan sax ahayn in loo aqoonsado dhinac gaar ah oo helaya xubno la siman kuwa Madasha Mustaqbalka ama dowladda Federaalka.

Yaa matalaya mucaaradka?

Khilaafkan cusub ayaa muujinaya sida ay weli u adag tahay in la isku waafaqo qaabka loo wajahayo wada-hadallada siyaasadeed, xitaa ka hor inta aysan si rasmi ah u billaaban.
Waxaa sidoo kale taagan su’aalo la xiriira cidda si dhab ah u matalaysa mucaaradka iyo sida awoodda siyaasadeed loo qeybsanayo.

Inkasta oo Turkigu dadaal ugu jiro inuu furo waddo wada-hadal siyaasadeed, haddana muranka ka dhashay qaabka xubnaha loo qeybinayo ayaa muujinaya heerka kala aragti duwanaanta ee weli u dhexeysa dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo diiday ka qaybgalka Koobka Adduunka ee 2026
Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa seegaya ka qaybgalka Koobka Adduunka ee sanadkan, kadib markii loo diiday gelitaanka dalka Mareykanka, sida ay xaqiijisay xiriirka kubadda cagta addunka FIFA.

Cumar Cartan ayaa sanadkii 2025 loo aqoonsaday garsooraha ugu wanaagsan Afrika. Wuxuu kamid ahaa garsoorayaasha loo xushay inay dhex dhexaadiyaan ciyaaraha Koobka Adduunka ee sanadkan ka dhacaya Mareykanka.

Wararka ayaa sheegaya in markii uu kasoo degay magaalada Miami, kadib safar uu kaga yimid Istanbul, ay ciidamada ilaalada xuduudaha Mareykanka ku sameeyeen baaritaan dheeraad ah.

Afhayeen u hadlay FIFA ayaa sheegay in hay’addu aysan faragelin karin siyaasadaha socdaalka iyo go’aannada fiisaha ee dalka martigelinaya tartanka.

Saraakiil Soomaaliyeed ayaa sheegay in Cumar Cartan uu watay dukumentiyo dhameystiran iyo baasaboorka diblomaasiga ah. Cumar Cartan waxaa gelitaanka Mareykanka loogu diiday sababo lagu sheegay baaritaanno amni iyo xaqiijinta xogta qofka.

Soomaaliya ayaa kamid tahay 39 dal oo ay saameeyeen xayiraadaha fiisaha ee maamulka Donald Trump. Muwaadiniinta kasoo jeeda dalalkaasi ayaa la marsiiyaa baaritaanno dheeraad ah marka ay gelayaan Mareykanka.

Ka maqnaanshaha Cumar Cartan ee Koobka Adduunka ayaa loo arkaa dib-u dhac ku yimid matalaadda Soomaaliya ee garsoorka caalamiga ah, gaar ahaan xilli uu noqday mid kamid ah garsoorayaasha ugu sumcadda badan Afrika.

70% Dhalinyaro.. Laakiin Cabsi, Daal mise Kalsooni La’aan?
Ma sax baa in dad badan aaminsanyihiin in dhallinyarada ay ka aamuseen arrimaha siyaasadda sababo la xiriira cabsi, niyad-jab ama kalsooni la’aan ay ka qabaan in codkoodu wax beddeli karo Dood kale ayaa ah in dhallinyaradu ay ku mashquulsan yihiin nolol raadis, shaqo la’aan iyo mustaqbal aan weli caddayn.

Soomaaliya waxaa la sheegaa in in ka badan 70%, bulshada ay yihiin dhallinyaro. Waa jiilka ugu badan dalka, waana kuwa ay saameynta ugu weyn ku yeelanayaan xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee soo noqnoqda.

Laakiin, iyadoo Muqdisho iyo qeybo kale oo dalka ah ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo rabshado hubeysan, haddana waxaa muuqata in dhalinyaro badan aysan si weyn uga qeyb qaadan doodaha iyo falcelinta arrimaha taagan.

Siyaasiyiinta iyo madaxda dalka ayaa mar kasta ku celceliya in dhalinyaradu yihiin “hoggaamiyeyaasha berri,” islamarkaana ay yihiin laf-dhabarta bulshada.
Sidoo kale, inta badan farriimaha siyaasadeed iyo ololaha doorashooyinka waxaa si gaar ah loogu wajahaa dhalinyarada.

Laakiin marka la joogo xaaladaha adag ee dalka — sida khilaafaadka siyaasadeed, iyo rabshadaha — ma badna dhalinyaro si muuqata uga hadleysa, wax uga qoraysa ama ka falcelinaysa waxa socda.

Qaar ayaa aaminsan in dhalinyarada ay ka aamuseen siyaasadda sababo la xiriira cabsi, niyad-jab ama kalsooni la’aan ay ka qabaan in codkoodu wax beddeli karo.  Qaar kale waxay sheegayaan in dhalinyaradu ay ku mashquulsan yihiin nolol raadis, shaqo la’aan iyo mustaqbal aan weli caddayn.

Baraha bulshada oo noqday goobta ugu weyn ee doodaha siyaasadeed, waxaa inta badan ka muuqda siyaasiyiin, taageerayaal iyo dad si toos ah ugu xiran dhinacyada isku haya siyaasadda. Halka dhallinyaro badan ay doorbidayaan daawasho iyo aamusnaan, xilli ay iyagu yihiin kuwa ugu badan ee saameynta mustaqbalka ka dhaxli doona.

Haddaba, haddii dhalinyaradu yihiin mustaqbalka dalka — maxay uga aamusan yihiin xaaladaha maanta jira? Mise aamusnaanta lafteedu waa fariin ka tarjumeysa sida ay uga niyad jabeen siyaasadda Soomaaliya?

Shariif Sheekh Axmed: “Waxaa la qorsheeyay in la i dilo”
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa markii ugu horreysay si toos ah u sheegay in howlgaladii iyo dhaq-dhaqaaqyadii militari ee maalmahan ka dhacay Muqdisho ay ahaayeen qorshe lagu doonayay in lagu dilo.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya kadib maalmo ay magaalada ka jireen xiisado hubeysan iyo iska hor imaadyo sababay dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamo ilaalo u ahaa madaxda mucaaradka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladda Federaalka aysan oggolaan inuu deggenaansho ama guri ka kireysto degmada Cabdicasiis.

“..Waqti badan ayaa weerar igu socday, waxaa la qorsheeyay in ama la i ihaaneysto ama la idilo” ayuu yiri Shariff Sheekh Axmed.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in tallaabooyinka ee dowladda ay yihiin kuwo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo taageerayaashooda, halka dowladda Federaalka ay dhankeeda ku sheegtay howlgalada socda kuwo lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho iyo hub ka dhigista.

Xiisaddan ayaa sii xoojisay walaaca laga qabo xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyadoo beesha caalamka iyo odayaasha dhaqanka ay ku baaqayaan in dhinacyadu dib ugu laabtaan wada-hadal iyo xal siyaasadeed.

Inkasta oo maalmahan dambe ay yaraadeen rasaastii iyo iska hor imaadyadii tooska ahaa, haddana Muqdisho weli waxay ku jirtaa xaalad amii iyo siyaasadeed, iyadoo si weyn isha loogu hayo tallaabada xigta ee dowladda iyo mucaaradka.

AI, Qudaar iyo Qoryo: Doodda Ka Dhalatay Hawlgalka “Hub Ka Dhigista”
Degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ayaa gashay maalinkeedii afaraad iyadoo xiran, xilli ay weli socdaan hawlgallo ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay “hub ka dhigista” iyo sugidda amniga caasimadda.

Dowladda ayaa maalmahan soo bandhigaysay hub kala duwan oo ay sheegtay in lagu qabtay howlgalada socda. Hase yeeshee, ilaa hadda lama shaacin cidda hubkaas lahayd ama shaqsiyaad loo qabtay hawlgalkaasi, arrintaas oo dhalisay su’aalo iyo doodo xooggan oo ka taagan baraha bulshada.

Mucaaradka iyo qaar kamid ah dadka dhaliila dowladda ayaa hawlgalka ku tilmaamay mid siyaasadaysan oo lagu bartilmaameedsanayo dhinacyada kasoo horjeeda dowladda, halkii uu ahaan lahaa hawlgal amni oo guud.

Sidoo kale, dadka isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga falceliyay sawirrada hubka la soo bandhigay. Qaar ayaa ku dooday in hubkaasi u muuqdo mid cusub oo aan la isticmaalin, iyaga oo ku eedeeyay dowladda inay kasoo saartay bakhaaradeeda.

Qaar kale ayaa adeegsaday farsamada AI si ay sawirrada hubka ugu beddelaan miro iyo qudaar, iyaga oo arrintaas ugu duur-xulaya Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo qaabka loo maareeyay bandhigga hubka.

Cabdicasiis oo Weli Xiran, iyo Eedeymaha la Xiriira “Aargoosi Siyaasadeed”
Degmada Cabdicasiis ayaa weli xiran, iyadoo weli halkaasi ku suganyihiin ciidamo la sheegay inay ka amar qataan Madaxtooyada. Xannibaadda amni ee degmada ka jirta ayaa si weyn u saameysay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa bulshada.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa beeniyay wararka sheegaya in hubkii ay Sabtidii soo bandhigeen Booliska Gobolka Banaadir uu ka tirsanaa xisbiga ama laga soo qabtay hoyga uu degmada Cabdicasiis ka deggan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ciidamada Dowladda oo gudaha u galay Hotel Elite

Wasiirkii hore ee Amniga Cabdillaahi Maxamed Nuur, oo ah milkiilaha Elite Hotel, ayaa sheegay in ciidamo hubeysan ay si xoog ah ku galeen hotelka, isaga oo ku eedeeyay in tallaabadaasi ay ka badnayd baaritaan amni, isla markaana ay noqon karto mid lagu burburinayo ama lagu boobi karo hanti.

Wuxuu sheegay in mas’uuliyadda dhacdadaasi uu dusha ka saarayo Madaxtooyada Soomaaliya.

Aargoosi Siyaadadeed

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa asna si adag uga hadlay weerarka lagu qaaday Elite Hotel, isaga oo ku tilmaamay aargoosi siyaasadeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in hubka iyo awoodda dowladeed, marka ay galaan gacmo aan ku shaqeyn xeerar cad, hay’ado madax-bannaan iyo anshax hoggaamineed, ay isu beddeli karaan aalad lagu cabburiyo muwaadiniinta, lagu huriyo colaad, laguna fuliyo dano gaar ah, halkii looga adeegsan lahaa ilaalinta shacabka, hantidooda iyo sharciga dalka.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay weli jirto xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa dowladda Federaalka iyo mucaaradka, inkastoo dadaallo lagu dejinayo xaaladda ay socdaan. Haddana, tallaabooyinka amni ee socda ayaa sii kordhinaya walaaca laga qabo jihada xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Muqdisho.

Rabshadihii Muqdisho: Eedeymo Siyaasadeed iyo Waanwaan Lagu Dejiyay Xiisadda
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa warbixin cusub ku sheegtay in ugu yaraan 13 qof ay ku dhinteen, 189 kalena ay ku dhaawacmeen rabshadihii hubeysnaa ee ka dhacay Muqdisho, halka ku dhowaad 12,500 qoys ay ku barakaceen dagaallada iyo xiisadaha amni ee ka dhacay caasimadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in gurigiisa lagu weeraray madaafiic culus, hoobiyeyaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn, xilli uu socday kulan uu la lahaa odayaal dhaqameed iyo xubno mucaaradka kamid ah.

Kheyre wuxuu ku tilmaamay weerarkaasi mid siyaasadaysan oo lagu bartilmaameedsanayo mucaaradka dowladda Federaalka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa isna ku eedeeyay dowladda inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu ku taageeray Soomaaliya loo adeegsanayo mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka.

Maxaa la isku hayaa?

Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ayaa isku haya hannaanka doorashooyinka dalka iyo sharciyadda sii joogitaanka dowladda hadda jirta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sameeyay muddo-kordhin hal sano ah kadib dhammaadka muddo-xileedkiisa 15-kii May.

Laakiin mucaaradka ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid jebinaysa heshiisyadii siyaasadeed iyo wadatashiyadii horay looga gaaray hannaanka doorashada.

Waanwaan kadib… xiisadda oo yara degtay

Kadib saacado badan oo waanwaan iyo dhex-dhexaadin socotay, SShariif Sheekh Axmed ayaa kasoo guuray gurigii ay xiisaddu ka taagneyd, wuxuuna dib ugu laabtay hoygiisii hore.
Kolanyadii Shariff Sheikh Axmed ayaa hadane lagu hor-istaagay degmada Shingaani intii ay kusii jeedeen hoygiisa, halkaas oo in ka badan 2 saacadood ku xayirnaayeen.